Wakiilka xiddiga Liverpool Mohamed Salah ee Ramy Abbas ayaa ka jawaabay dalabka waalida ah ee ay Kooxda Al-Ittihad ka gudbisay saxiixa xiddiga uu wakiilka u yahay.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa diyaar u ah in ay Salah baanka u jabiso si ay uga afduubato kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Kooxda Al-Ittihad ayaa wadahadalo la yaalatay wakiilka xiddiga si ay ugu qanciso in uu isaga tago Liverpool kuna biiro horyaalka sucuudiga.
Al-Ittihad ayaa Reds miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga halka ay Salah miiska u saartay mushahar dhan 180 milyan oo euro muddo 2 sano ah.
Si kasta ha ahaatee wakiilka Salah ayaa si cad u diiday dalabka kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ittihad.
“Hadii aan ka fikirayno in aan xagaagan tagno, heshiis cusub umaanu saxiixneen Liverpool xagaagii hore”ayuu wakiilka Salah yidhi.
“Mohamed waxa uu doonayaa in uu sii joogo Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link