Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qiimeeyay qaab ciyaareedka xiddiga Jurrien Timber kadib markii uu daawaday kulankii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray Arsenal kulankii ay Arsenal 5-0 kaga badisay MLS All-Stars.
Xiddiga reer Netherlands ayaa kaliya Arsenal ku soo biiray todobaadkii hore iyaga oo 40 milyan ugu soo biiray laakiin waxa uu durba u muuqday mid la qabsaday Kooxdiisa Arsenal.
Timber ayaa ku bilowday kaydka laakiin waxa uu badal ku soo galay qaybtii dambe isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Markii la waydiiyay qaab ciyaareedkiisa Mikel Arteta ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in aan aragnay in uu yahay xiddig ka ciyaari kara boosas badan, waxad arki kartay in uu boosaskaas ka difaacan karo”.
“Waxa uu ku siinayaa fursad fiican marka uu buuxiyo boosas badan sidoo kale waxa uu si raaxo leh u qaadan karaa kubada waanan jecelahay”.
Xiddiga Timber ayaa ka ciyaari kara 3 boos oo daafac ah iyo waliba khadka dhexe waana sababta uu Arteta u go’aansaday in uu la soo saxiixdo.
Sii Akhriso: Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dhagaysatay Dacwad Ka Dhan Ah Saraakiil Ka Tirsan Dawlada Somaliya & Magacyada Saraakiisha Oo La Shaaciyay.
Related