Arsenal ayaa mar kale isha ku haysa Manchester City si ay u xoojiso kooxdeeda xagaagan sida lagu sheegay warbixin sheegaysa in ay doonayaan saxiixa xiddigaha Kyle Walker iyo Julian Alvarez.
Gunners ayaa la soo saxiixatay Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus xagaagii hore, labadooduba waxay muujiyeen inay muhiim u yihiin isku daygii ay u galeen ku guulaysiga horyaalka premier League.
Mikel Arteta ayaa sii xoojiyay kooxdiisa isaga oo ku soo xiddiga Kai Havertz oo kaga soo biiray chelsea halka ay kooxdu ku dhawdahay saxiixyada Rice iyo Timber.
Laakiin Nacional ayaa sheegtay inay sidoo kale isha ku hayaan inay Walker kala soo wareegaan City halka ay sidoo kale doonayaan xiddiga Alvares.
Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 76 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddigaha Walker iyo Alvares.
Related