Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka fikiraya in uu kaydka dhigo Goolhaye Aaron Ramsdale kadib fasaxa xulalka.
Arteta ayaa doonaya in uu fursad siiyo Goolhayaha cusub ee kooxda ku soo biiray suuqii xagaaga ee David Raya.
Aaron Ramsdale ayaa ahaa Goolhayaha 1-aad ee kooxda Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2021 waxana uu ka soo muuqday shaxda ugu fiican horyaalka.
Si kasta ha ahaatee waxa fuulay cadaadis dheeraad ah kadib markii ay kooxda Arsenal amaah kula soo saxiixatay David Raya.
Aaron Ramsdale ayaa ku bilowday dhamaan kulamadii Arsenal ee horyaalka iyo waliba sidoo kale kulankii Community Shield-ka ee ay ka badiyeen Man City.
Laakiin sida laga soo xigtay Mail, xiddiga reer England ayaa cadaadis waali ah ku dareemaya si uu u sii haysto booskiia 1-aad ee Arsenal.
Awooda Raya ee ah in uu baaska ka ciyaaro daafaca dambe ayaa qancisay tababaraha Arsenal.
Related