Dhuusamareeb (soomaalinews.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann oo maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo mashariicda uu Midowga Yurub ka fulinayo gudaha Soomaaliya.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa mid sagootin ah, maadaama Danjire Tina Intelmann uu usoo dhammaaday muddo xileedkeeda, gaar ahaan shaqadii danjirinimo ee ay dalka u joogtay.

Qoor Qoor oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay Tina Intelmann sare u qaadidda kaalinta wada-shaqeynta Midowga Yurub ay la leedahay dowladda & dadka reer Galmudug.

Dhankeeda Tina Intelmann ayaa ballan-qaaday inay Galmudug ka caawin doonaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, maadaama ay haatan sameyneyso horumar.

Danjiraha Midowga Yurub ayaa sidoo kale soo dhaweysay gulufka ay dowladda federaalka iyo Galmudug ugu jiraan sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa gobollada Dhexe ee dalka.

Kulankan waxaa madaxweyne Qoor Qoor ku wehlinayay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada iyo agaasinka madaxtooyayada dowlad goboleedka Galmudug.

Si kastaba, wadahadalka Qoor Qoor iyo Tina Intelmann ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Dhuusamareeb uu qudhiisa joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas u tegay sidii loo dhaqaajin lahaa howlgallada xoreynta ee ka socda deegaanada Galmudug.









Source link