Ma jiro wax ka xiiso badan suuqa xagaaga marka aad tahay taageere gaar ahaan marka ay kooxdaadu samayso saxiix weyn.
Sidoo kale ma jirto wax ka wal-wal badan in aad daawato xiddig lacag badan ugu soo biiray kooxdaad laakiin fashilma ama soo bandhigi waaya qaab ciyaareedkii laga filayay.
Declan Rice ayaa noqon doona ciyaaryahanka ugu qaalisan Premier League ka dib markii uu dhameystiray heshiis 105 milyan oo euro ah oo uu ugu biiray Arsenal waana ciyaaryahankii 17aad ee ugu dhaqaaqa koox Premier League ah 70 milyan iyo wax ka badan.
Saxiixyadaas ayan inta badan isla markiiba soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.
16-kii xiddig ee hore ee lacagta badan ugu biiray Kooxaha premier League ayaa kala ah Enzo Fernandez, Jack Grealish, Romelu Lukaku (laba jeer), Paul Pogba, Mykhailo Mudryk, Antony, Darwin Nunez, Harry Maguire, Virgil van Dijk, Jadon Sancho, Nicolas Pepe, Kepa Arrizabalaga, Wesley Fofana, Kai Havertz & Casemiro.
Kaliya Van Dijk iyo Casemiro ayaa la odhan karaa waxa ay kooxdooda ku soo bandhigeen qaab ciyaareed deg-deg ah.
Xilli uu Jack Grealish haatan ku soo bandhigayo Man City qaab ciyaareed fiican sanadkiisii ugu horeeyay wuu dhibaatooday laakiin xiddigaha kale ayaa niyad jab soo bandhigay.
Hadaba su’aasha ayaa ah Rice maku biiri doonaa xiddigaha fashilmay ama dhibaatooday mise waxa uu mari doonaa wadada Casemiro iyo Van Dijk.
Sii Akhriso: Somaliland Oo Ka Jawaabtay Warkii Ay Ha’yadda Caafimaadka Adduunku Ka Soo Saartay Lasacaanood.
Related