Tababaraha kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa diiday in uu meesha ka saaro in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqi karaan saxiixa weeraryahanka Tottenham Harry Kane
Bayern Munich ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Kane kaas oo ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay heshiiskiisa Tottenham.
Kabtanka England ayaa Pochettino kala soo shaqeeyay Tottenham, tababaraha reer Argentine ayaana u furan in uu la midoobo xidiga.
Wuxuu yiri: “Ma jecli inaan ka hadlo ciyaartoyda koox kale, laakiin waxaad ka hadlaysaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican, mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka”.
“Ma ahan cadaalad in aan ka hadlo, dadku ma ahan doqomo, waa dad maskax badan waxana ay ogyohiin xidhiidhka aan la leeyahay mar walba waxa ay ahayd mid fiican”.
“Waxa aan arkay isaga oo yar haatan waxa uu noqday qof weyn waxana aan la leeyahay xidhiidh fiican”.
“Waqtigan xaadirka ah waxaan u fakareynaa siyaabo kala duwan, kama fikireyno taas, dabcan waxaan ku dadaaleynaa inaan isku dayno inaan kooxda siinno tayo wanaagsan”.
Sii Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Jigjiga Oo La Ogaaday.
Related