Xiddiga reer Croatia ee Mateo Kovacic ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda chelsea inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin waxa uu diiday in uu sheego halka uu ku sii jeedo xilli lala xidhiidhinayo kooxda Man City.
xiddiga Kovacic ayaa xilli ciyaareed adag ku soo qaatay Chelsea isaga oo kulamo badan ka baxay shaxda kooxda taas oo keentay in uu ka fikiro ka tagista kooxda xagaagan.
xiddiga reer Croatia ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda man City iyada oo uu Guardiola si weyn ula dhacsanyahay xiddiga una arko xiddiga waxaweyn ku soo kordhinaya kooxdiisa.
“Hal sano ayaa iiga hartay qandaraaska aan kula jiro Chelsea,” Kovacic ayaa sidaa u sheegay wargayska As.
“Runtii waxa ay aheyd xilli ciyaareed xun. Wax walba waxay muujinayaan in aan mari doono waayo-aragnimo cusub 5 sano kadib, laakiin waan arki doonaa waxa dhaca.
Mar wax laga weydiiyay wararka la xidhiidhinaya u dhaqaaqista Manchester City, wuxuu ku jawaabay, “Manchester City waa kooxda ugu fiican, wayna u qalantaa inay gaarto finalka Champions League. Taasi waa waxa aan hadda dhihi karo, xagaaga weli waa dheer yahay, waxaana arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka”
Related