Saxiixa cusub ee Manchester City Mateo Kovacic ayaa sheegay in uu doonayo in uu heer kale gaarsiiyo ciyaartiisa isaga oo ka hoos ciyaaraya Pep Guardiola kadib markii uu ku biiray ‘kooxda ugu fiican adduunka’.
Kovacic, oo 29 jir ah, ayaa saxiixay heshiis afar sano ah oo uu ku sii joogayo Etihad Stadium kadib marki ay chelsea iyo Man City ka heshiiyeen qiimaha xiddiga.
Xiddiga khadka dhexe ee Croatia ayaa noqday saxiixii ugu horreeyay ee Manchester City xagaagan waxana uu maanta dhamaystiray heshiiska uu ugu biirayo City.
Kovacic ayaa 221 kulan u saftay Chelsea shantii xilli ciyaareed ee uu joogay Stamford Bridge, isagoo ka caawiyay Blues inay ku guuleysato Champions League iyo Europa League.
“Tani waxay ii tahay tallaabo cajiib ah, mana sugi karo inaan bilaabo u ciyaarista Man City”ayuu Kovacic yidhi.
“Cid walba oo daawatay kooxda Pep Guardiola waxa ay ogyihiin sida ay u fiicanyihiin waa kooxda ugu fiican adduunka”.
“Ku Biirista City runtii waa riyada xiddig kasta wali waxan samayn karaa horumar waxana aan ogahay in aan noqon karo xiddig fiican marka aan ka hoos ciyaaro Guardiola”.
Qorshaheygu hadda waa in aan nasto dhowr todobaad ka hor inta aanan ku soo laaban Manchester si aan isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub. Waxa aan doonayaa in aan kooxdan ka caawiyo in ay ku guulaystaan koobab badan”.
Related