Mason Mount ayaa muujiyay doorka Erik ten Hag uu qayb weyn ka ahaa go’aankii uu ugu biiray kooxda Man United.
Xiddiga reer England ayaa soo afjaray 18 bilood oo uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa isaga oo heshiis 5 sano ah u saxiixay kooxda Man United.
United ayaa 55 milyan ka bixisay xiddiga iyo 5 milyan oo guno ah si ay xiddiga uga dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Mount ayaa laba jeer ku guulaystay xiddiga ugu fiican chelsea kadib markii uu labadii sano ee la soo dhaafay door weyn ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxda isaga oo kooxda ku hogaamiyay champions League.
“Ma ahayn wax adag in aan ka tago meeshii aan ku kulmay laakiin Man United ayaa ii muujisay in ay dhisayaan mashruuc cusub waxana aan doonayaa in aan halkaas ka sii wado heerkayga xiga ee xirfadayda”.
“Kadib markii aan ka hor tagay Man United, waxa aan ogahay sida ay Man United u adagtahay iyo sida ay kooxdu u xoogantahay sidaas darteed ma sugi karo in aan koobab kula guulaysato kooxda”.
“Kadib markii aan la kulmay Erik Ten Hag waxa aan dareemay in ay Man United tahay kooxda ay tahay in aan u ciyaaro”.
Related