Manchester United ayaa heysata ilaa Jimcaha si ay u dhameystirto heshiiska xiddiga Fiorentina Sofyan Amrabat ka dib markii Talyaanigu uu qabtay waqti kama dambeys ah oo uu ku tagayo.
Xiddiga Morocco ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaaray Man United si uu ugu dhaqaaqo Old Trafford laakiin kooxda ayaan wali dalbanin xiddiga khadka dhexe.
Sabab la xidhiidha in ay Man United iska iibin kari wayday xiddigaha Donny van de Beek iyo Scott McTominay waxa ay ku dhibaatoonaysaa in ay lacag u hesho xiddiga.
Ilaa inta ay ka iibinayaan xiddigaha la jooga haatan ma awoodo United in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Morocco.
Kooxda Fiorentina ayaa sheegtay United in ay kaliya haysato maalmo yar si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Kooxda Talyaaniga ka ciyaarta ayaa Ambrabat ku qiimaysa lacag dhan 30 milyan oo euro.

Related



Source link