Kooxda RB Leipzig ayaa u sheegtay Man City in ay bixiso lacag dhan 90 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Josko Gvardiol sabab la xidhiidha in iyagana la waydiin doono lacag aad u badan si ay u helaan badalkiisa.
Gvardiol ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Pep Guardiola, Tababaraha Man City ayaana ka niyad jabsan in ay kooxdiisu diidantaay in ay bixiso waxa loo baahanyahay si uu u helo saxiixa daafaca.
Kooxda RB Leipzig ayaa u sheegtay Man City in ayna aqbali doonin wax ka yar lacagta ay doonayaan maadama badalkiisa laga doonayo lacag aad u badan.
RB Leipzig ayaa badalka Gvardiol U calaamadsatay xiddiga u ciyaara kooxda Feyenoord ee Lutsharel Geertruida kaas oo lagu qiimeeyo 40 milyan oo euro.
Sidaas darteed RB Leipig ayaa doonaysa in ay lacag 50 milyan ah faa’iido u ahaato waxana ay diiday dalabkii City oo ay faa’iido u helaysay 15 milyan oo euro.
Gvardiol ayaa si aad ah u doonaya in uu ku biiro kooxda Man City waxana uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Pep Guardiola.
Related