Manchester City ayaa laga yaabaa inay hor istaagto Arsenal inay la soo wareegto Joao Cancelo maadaama ay xiiseynayaan inay heshiis is dhaafsi ah la sameeyaan kooxda Bayern Munich sida ay sheegayaan wararku.
Cancelo waxa uu Bayern ugu biiray amaah lama filaan ah suuqii January waxana la filaya in uu qaab joogto ah uga tago Man City xagaaga.
Si kastaba ha ahaatee, Bayern ayaan dooneynin inay bixiso lacagta 60-ka milyan ee ay Man City ku qiiayso xiddiga taas oo Albaabka u furtay kooxda Arsenal in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.
Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Cancelo suuqa xagaaga si ay ugu xoojido daafaca midig ee kooxda Arteta.
Laakiin Sunday Mirror ayaa ku warameysa in City ay Kooxda Bayern Munich u soo bandhigi doonto heshiis ay isku dhaafsan karaan xiddigaha Cancelo iyo Joshua Kimmich.
Wararka ayaa sheegaya in uu Guardiola aad ula dhacsanyahay xiddiga reer Germany isla markaa doonayo in uu kooxdiisa ku xoojiyo xilli ciyaareedka dambe.

Related



Source link