Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay Etihad keento daafaca midig ee kooxda PSG Achraf Hakimi xagaagan, waxaana ay diyaar u yihiin inay lacag badan ku bixiyaan saxiixiisa.
24-sano jirkaan ayaa loo aqoonsaday inuu yahay bedelka saxda ah ee Kyle Walker iyadoo Pep Guardiola uu isku dayayo inuu kooxdiisa u diyaariyo difaac mustaqbalka iyada oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa Walker.
Walker, oo hal sano uga harsan tahay heshiiskiisa Manchester City ayaa u muuqda mid ku biiraya kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich xagaagan.
Taas ayaa keentay in ay City suuqa u gasho badalkiisa waxana ay calaamadsadeen xiddiga PSG ee Hakimi sida laga soo xigtay MARCA.
Xiddiga reer Morocco ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda PSG iyo koobkii adduunka waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda reer France.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah oo waliba aad u sareeya ka gudbiso saxiixa xiddiga.

Related



Source link