Paul Merson ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Arsenal Iyo Man City ee ka tirsan finalka Community Shield.
Kooxaha ku kala guulaysta tartamada FA Cup-ka iyo Premier League ayaa isaga hor yimaada Kulankan.
Laakiin Man City ayaa ku wada guulaystay labada koob xilli ciyaareedkii hore taas oo keenaysa in kooxda kaalinta 2-aad ka gasha Premier Legaue wajahdo Man City.
Arsenal ayaa ku dhawaatay ku guulaysiga horyaalka premier League markii ugu horaysay tan iaa 2004 laakiin ugu dambayntii waxa ay u wayday horyaalka kooxda Man City.
Isaga oo ka hadlaya saadaasha kulanka Community Sheidl-ka ayaa yidhi”Arsenal waxa ay haystaaa koox xoogan waxana ay soo yaraysay farqiga u dhexeeya dhinaca suuqa”.
“Kulanka Community Shield-ku waa kulan u Weyn Arsenal marka loo bar-bar dhigo Man City sidaas darteed Arsenal ayaa ku badin doonta 2/1″ayuu sii raaciyay.
Related