Liverpool ayaa soo saartay bayaan ay ku dhaleecanayso qaladka VAR kaas oo sababay in Luis Diaz si khaldan loogu diido gool uu ka dhaliyay Tottenham kulankii Sabtidii ka tirsanaa horyaalka premier League.
Kooxda Liverpool ayaa gool wakhti hore ah ka dhalisay Tottenham laakiin goolkaas ayaa laga diiday sabab la xidhiidha khalad ay samaysya VAR.
Ugu Dambayn Xidhiidhka garsoorayaasha ayaa raali galin ka bixiyay dhacdada iyaga oo sheegay in uu dhacay khalad bani aadam oo aad u weyn.
War qoraal ah oo fiidnimadii Axadda soo baxay ayaa lagu yidhi: ‘Kooxda kubbadda cagta Liverpool waxay aqbashay qirashada PGMOL ee fadeexadii kulankii Tottenham”.
“Waxaa cad in ku dhaqanka saxda ah ee shuruucda ciyaarta aysan dhicin, taasoo keentay in sharafta isboortiga la wiiqo”.
“Waxaan si buuxda u aqbalnay cadaadiska ay ku shaqeeyaan garsoorayaasha kubada cagta, laakiin cadaadiskaan waa in la yareeyo laakiin aan la sii badin maadama la adeegsanayo VAR”.
“Sidaas darteed waa wax aan wanaagsaneyn in waqti ku filan aan la helin si loo oggolaado in go’aanka saxda ah la gaaro iyo in aysan jirin faragelin dambe”

Related



Source link