Liverpool ayaa soo gudbin doonta dalab ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton Romeo Lavia xilli ay isku diyaarinayso bixitaanka Jordan Henderson saacadaha soo socda sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ettifaq oo tababare u yahay Steven Gerrard ayaa wadahadalo kula jira Jordan Henderson iyaga oo doonaya in ay helaan saxiixa xiddiga.
Henderson ayaa la filayaa in uu maanta u sheego Klopp go’aankiisa ah in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan kuna biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay saxafiga reer Belguim ee Sacha Tavolieri, Liverpool ayaa saacadaha soo socda dalab ka gudbinayso xiddiga kooxda Southampton ee Lavia si uu u noqdo badalka kabtankoda.
Waxaa la sheegay in Jurgen Klopp uu horay ula yeeshay Lavia wadahadalo ku saabsan u dhaqaaqista Anfield, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Anfield.
Sii Akhriso: Ciidamada Somaliya Ee Gaarka u Tababaran Oo Dilay 17 Ka Tirsan Al-Shabab.
Related