Liverpool ayaa ka laabatay xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Nice Khephren Thuram, sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga reer France ayaa u muuqday mid ka mid ah bartilmaameedyada Tababare Klopp xilli uu dib u dhisayo khadka dhexe ee kooxdiisa.
Thuram ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican horyaalka Ligue 1 kadib markii uu dhaliyay 2 gool 8 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii hore.
Xiddigii hore ee Monaco ayaa soo jiitay indhaha kooxda Liverpool kuwaas oo si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay This Is Anfield, Liverpool ayaa go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga kadka dhexe.
Badalka Thuram, Liverpool ayaa diirada saari doonta saxiixa xiddiga Romeo Lavia kaas oo ay haatan wadahadalo kula jirto kooxdiisa Southampton.
Sii Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Saaka Lagu Qaaday Magaalada Muqdisho La Ogaaday
Related