Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Alexis MacAllister sida ay sheegayaan wararku.
Pedro Almedia ayaa haatan xaqiijiyay in ay Liverpool dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada ka dhigaysa saxiixooda ugu horeeya suuqa xagaaga.
Almeida ayaa sheegay in ay Liverpool wax walba kala heshiisay kooxda Brighton si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sidoo kale kooxda Liverpool ayaa heshiisak shaqsiga ah la gaadhay xiddiga iyada oo uu xiddigu ogolaaday heshiis wakhti fog ah oo uu kooxda ku joogayo.
Xiddiga khadka dhexe ee Alexis MacAllister ayaa la filayaa in uu bilow u noqdo dib u dhiska kooxda Liverpool ee khadka dhexe kaas oo ay Liverpool ku dhibaatootay xilli ciyaareedkan.

Related



Source link