Daafaca kooxda Chelsea Levi Colwill ayaa afka furtay kana hadlay mustaqbalkiisa xilli lala xiriirinayo inuu xagaaga u dhaqaaqayo Liverpool.
Isaga oo la hadlaya wargayska The Times ayuu ka hadlay mustaqbalkiisa waxana uu yidhi”Waan la hadli doonaa qoyskayga, waan la hadli doonaa qof kasta oo aan u baahdo si aan go’aan u gaadho”.
“Waa inaan ciyaaro daqiiqad kasta, waxan rajaynayaa intaas kadib in aan u ciyaaro xulka qaranka England”.
Waa iska cadahay in Colwill uu doonayo inuu si joogto ah u ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda, taasoo ah mid ay adagtahay in uu ka helo chelsea marka la eego tartanka boosaska.
Liverpool ayaa dhinaceeda xiiso u qabta saxiixa waxana ay xitaa wadahadalo la qaadatay wakiilkiisa si ay u ogaato in uu xiiso u qabo ku biirista Anfield.
Colwill ayaa ka soo baxay tartan fiican oo uu la qaatay xulka qaranka England ee 21 jirada isaga oo ku hogaamiyay ku guulaysiga tartanka iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin.
Related