Victor Osimhen ayaa ah xiddiga ugu fiican Yurub ka dib markii uu Napoli u qaaday horyaalkii ugu horeeyay ee Seria A muddo 33 sano ah, laakiin inta badan kooxaha doonaya ma haystaan ​​fursad ay kula soo saxiixan karaan sida uu qabo xiddigii hore ee khadka dhexe ee Italy Salvatore Bagni.
Osimhen ayaa dhaliyay 26 gool oo horyaalka ah iyadoo Napoli ay ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga markii 3-aad tan ilaa markii uu Diego Maradona ku hogaamiyay Napoli sanadka 1990.
Tan iyo markaas, kooxo badan ayaa xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer Nigeria kana ka mid ah Manchester United iyo Chelsea ilaa Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.
Waxaa la fahamsan yahay in guddoomiyaha Napoli Aurelio De Laurentiis uu doonayo 150 milyan si uu u fasaxo suuqa xagaagan waxana jira kooxo dhawr ah oo awood u leh in ay bixiyaan qiimaha.
“Victor Osimhen kuma laaban doono France sababtoo ah waxa uu horay ugu soo ciyaaray Lille”sida uu qabo Bagni.
“Sidoo kale kuma laaban doono Germany sababta oo ah waxa uu u soo ciyaaray Wolfsburg, ma doonayo in uu ku biiro Liverpool iyo chelsea sababta oo ah kama ciyaarayaan champins League xilli ciyaareedka dambe”.
“Aniga ahaan kooxaha kaliya ee uu tagi karo waa Man United ama Real Madrid, ma rabo kooxaha kale”.
Sii Akhriso: Waddamada Muslimka Ah Oo Shird Deg-deg Ah Isugu Yeedhay & Kitaabkii Lagu Gubay Sweden Oo Sabab U Ah

Related



Source link