Ku Biiristii Mason Mount ee Man United ayaa u muuqata mid uu hakad ku yimid sabab la xidhiidha qiimaha ay dalbanayso kooxda chelsea.
Khadka dhexe ee weerarka, oo 24 jir ah, ayaa u muuqda mid ka tagi doona Stamford Bridge xagaagan, iyadoo Man Utd lagu soo waramayo inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixiisa.
Laakiin waxa ay u muuqataa in United – oo doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda maadama ay isku diyaarinayaan in ay ku soo laabtaan champions League xilli ciyaareedka dambe ayaan wali go’aansan in ay dalab Rasmi ah ka gudbiyaan xiddiga reer England.
Sida laga soo xigtay ESPN, Man Utd ayaa ka meer-meeraysa qiimaha ay kooxda chelsea doonayso in ay ku iibiso Mount kaas oo dhan 71.9 milyan euro.
Taasi waa inkasta oo The Telegraph ay sheegtay xiddigu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United hanada United ayaan wali wax dalab ah ka gudbin saxiixiisa.
Maunt oo uu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa chelsea ayaa doonaya in uu tartan cusub ciyaaro waxana uu doortay ku biirista kooxda Man United.

Related



Source link