Kismaayo (soomaalinews.com) – Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya 1-dii June.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarkaas lagu dilay xubnaha Shabaab-ka ah.

“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah, sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono, si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay xuddun u tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika, ayna ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya, sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ayaa muhiim u ah dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab oo meel dhexe soo gaaray, rajo badana laga qabo in dowladdu ay kooxda ka adkaato mar aan dheereyn.

Diyaaradaha Mareykanka waxay ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan beegsiga kooxda, markii ay dagaalyahanadu galaan dhulka howdka ah, waxaana marar badan la arkay oo lasoo bandhigay meydadka tobanaan Shabaab ah oo dhul howd ah ay diyaaraduhu ku dileen.

Waxaa xusid mudan in dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ay aad u yaraadeen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin sababta, balse waxaa si guud gaabis ugu yimid weerarradii ciidamada dowladda ay ku qaadi jireen dhulka ay joogaan Al-Shabaab.





Source link