Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in aanu filaynin” in Reds ay ka soo laabato goolkii looga hor maray kulankii ay kooxdiisu 3/1 uga badisay Wolves kulan ka tirsanaa premier League.
Kooxda Liverpool ayaa kaliya 7 daqiiqo looga hor maray gool kadib markii uu xiddiga Hwang Hee-chan uu goolka u dhaliyay kooxda Wolves.
Reds ayay ahayd in laga dhaliyo wax intaas ka badan kadib markii ay Wolves khasaarisay fursado badan oo ay goolal ku dhalin kartay.
Kadib markii ay kooxdiisu ku badisay 3/1 Klopp ayaa sheegay in uuna marna filayn in ay kooxdiisu ka soo laabato goolasha laga dhaliyay.
“Waxan u malaynayaa in qaybtii hore nalaga dhalin karay dhawr gool, Wolves waxa ay qabatay shaqo fiican”ayuu Klopp yidhi.
“Natiijadii 3/1 ahayd marna ma filay sida iska cad waxa aan qabanay shaqo fiican”ayuu Klopp sii raaciyay.
Related