Tababaraha Kooxda Liverpool ayaa ka hadlay mustaqbalka Xiddiga Mohamed Salah ee Liverpool xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.
Salah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Al Ittihad kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedkan.
Tababare Klopp ayaa ka hadlay shirka ka horeeya kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Newcastle waxana uu ka hadlay mustaqbalka xiddiga Salah.
“Wali wax dalab ah nama soo gaadhin”ayuu Klopp yidhi.
“Salah waa xiddig Liverpool ah wax walba oo aan samayno isaga ayaa muhiim u ah”.
“Hadii uu dalab u yimaado jawaabto waxa ay noqon doontaa Maya”.
“Salah 100% waxa uu joogi doonaa Liverpool ma jiraan wax intaas ka badan oo laga hadlo”.
Related