Nairobi (soomaalinews.com) – Monica Juma oo ah la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa maanta kulan gaar ah la qaadatay dhiggeeda Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud oo isna ah la taliyaha amniga ee Xasan Sheekh.

Kulanka labada mas’uul oo saacado qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka oo ay ugu horreyso la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Monica Juma iyo Xuseen Macallin ayaa isla soo qaaday sidii ay labada dowladood ay uga qayb-qaadan lahaayeen xoojinta xiriirka istaraatajiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada-hadleen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan amniga xuduuda, si looga hortego weerarada sii kordhaya ee ka dhaca halkaasi.

La taliyaha ammaanka ee madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale boggaadisay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Somalia, taas oo keentay in dhul ballaaran laga qabsado kooxda

Dhankiisa Xuseen Cali Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doono xoojinta wadashaqeynta labada dal.

Kulankankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana uu sii kululaaday dagaalka Al-Shabaab oo qudheeda laba jibaartay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya.

Labada waddan aya wajahaya duulaanka Al-Shabaab, waxaana hadda qorshuhu yahay inuu billowday wajiga labaad ee dagaalka oo ka culus wajigii koowaad ee soo dhammaaday.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan dadaallo ku bixineysa dalalka dariska iyo gobolka si ay taageero ugu hesho dagaalka ay ku jirto Al-Shabaab oo loo arko halis aad weyn.





Source link