Xiddiga kooxda Arsenal ee Kai Havertz Ayaa u jawaabay taageerayaasha chelsea ee ku digtay kadib fashilkii tartanka MLS-All Star.
Taageerayaasha chelsea ayaa ku digtay Havertz kadib markii uu ku fashilmay in uu natiijo ka keeno tartan khaas ah oo ay Arsenal la gashay MLS Al-Star.
Havertz ayaa chelsea isaga tagay suuqii xagaaga waxana uu ku biiray kooxda Arsenal isaga oo ugu biiray lacag dhan 65 milyan oo euro.
Xiddiga 24 jirka ah ayaa goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kulankii ay Arsenal 5/0 uga badisay kooxda MLS Al-Star waxana uu uga faa’iidaystay in uu u jawaabo taageerayaasha Chelsea.
Havertz ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir isaga oo dhalinaya goolkii uu ka dhaliyay kooxda MLS Al-Star waxana uu sii raaciyay qoraal ah”Qaado taas”.
Sii Akhriso: Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kitaabkii Quraanka Ee Lagu Gubay Sweden.

Related



Source link