Chelsea ayaa sii wada guulaha xidhiidhka ah ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay Brighton markan.
Blues ayaa u awood sheegatay kooxda Brighton kulan xiiso lahaa oo goolal badan la kala dhaliyay.
Daqiiqadii 13-aad ayay Brighton chelsea kaga naxsatay gool waxana u dhaliyay xiddiga Danny Welbeck kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Chelsea ayuu daqiiqadii christopher Nkunku u dhaliyay goolka bar-baraha waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kal nasteen bar-baro.
Qaybtii dambe ayuu Pochettino is badal ku sameeyay kooxdiisa waxana uu soo galiyay xiddigo badan oo aan ciyaarin qaybtii hore.
Daqiiqadii 65-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mykhilo Muryk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ah.
Waxa mar kale dhaliyay gool xiddiga Conor Gallagher kaas oo ciyaarta dhigay 3/1 daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta.
Waxa xiddiga cusub ee Nicolas Jackson dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa waxana uu daqiiqadii 76-aad ka dhigay 4/1.
Brighton ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay iska soo baday goolal iyaga oo uu xiddiga Joao Pedro dhaliyay goolka 3-aad halka uu xiddiga Deniz Undav kaas oo ciyaara ka dhigay 3/4.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea guul xiiso leh ka gaadhay kooxda Brighton
Related