Ka dib markii ay xalliyeen arrimaha sharciga gudaha, Juventus ayaa hadda ka fekereysa inay ka baxdo tartanka Europa Conference League.
Bianconeri ayaa 10 dhibcood laga jaray xilli ciyaareedkii dhamaaday taas oo keentay in ay kaalinta 7-aad kaga dhamaysteen horyaalka Talyaaniga.
Sidaas darteed kooxda Juventus ayaa seegtay champions League waxana ay ka ciyaari doontaa tartanka 3-aad ee Europa Conference League.
Si kastaba ha ahaatee, Juventus ayaan aad u xiiseyneynin inay ka qeybgasho tartanka, sidaas darteed waxay diyaar u noqon doontaa inay ka tanaasulaan booskooda.
Sida laga soo xigtay Tuttosport, kooxda fadhigeedu yahay Turin ayaa sheegtay in ay kooxda Juventus jabisay xeer u yaala UEFA waxana ay keeni kartaa in laga saaro tartanka.
Kooxda Juventus ayaa wajihi doonta si la mid ah kooxda Osasuna oo ay UEFA Ka reebtay tartanka Europa Conference League sabab la xidhiidha in lagu helay dambi ah wax is dhaafsi dhinaca ciyaaraha ah.
Related