Manchester City ayaa dalab rikoorka adduunka ah ka gudbisay daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol, sida ay sheegayaan wararku.
Tallaabadan oo ay Man City doonayso in ay ku xoojiso daafaca dhexe ayaa laga yaabaa in ay war fiican u tahay Rajada Arsenal ee saxiixa xiddiga Declan Rice.
Sida laga soo xigtay Sky Germany, Guardiola ayaa u aqoonsaday Gvardiol inuu yahay saxiixiisa Riyada kaas oo ka qayb ah dib u dhiska uu ku samaynayo kooxda gaar ahaan dhinaca daafaca.
Wararka ayaa sheegaya in wadahadalada xiddiga 21 jirka ah ku saabsan ay socdeen maalmihii la soo dhaafay.
Man City ayaana haatan dalab 77 mulyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga iyo waliba lacag gunooyin ah oo aad u badan taas oo kor u dhaafaysa 80 milyan oo euro.
Hadii ay Man City bixiso lacagta ay kula wareegayso daafaca Josko Gvardiol waxa ku adkaan doonta in ay Arsenal kula tartanto saxiixa Declan Rice dhinaca qiimaha.
 

Related



Source link