Joao Santos, oo ah wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Jorginho ayaan meesha ka saarin u dhaqaaqista ciyaaryahanka ee Juventus.
31-sano jirkaan ayaa qandaraas kula jira kooxda ka dhisan London ilaa June 2024, isagoo dookh u leh inuu sanad kale u kordhiyo, laakiin si joogto ah uma ciyaaro Gunners.
Wakiilka xiddiga oo la hadlaya Football Italia ayaa yidhi”Haddii ay jirto koox Talyaani ah oo u baahan ciyaaryahan sida Jorginho, waxaan u furnaan doonaa inaan ka hadalno arrinta”.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “U dhaqaaqida Jorginho ee Juventus? marna ha odhan maya, ma ahan kalmad ku jirta kubada cagta”.
Laacibka reer Talyaani ayaa horay loola xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Marwada Duqda ah.
Xiddiga reer Talyaani ayaa ka qeyb galay kaliya 3 kulan kooxda London, tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkaan, horyaalka Ingiriiska.

Related



Source link