Xiddiga Jordi Alba ayaa la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.
Jordi Alba ayaa isaga tagaya kooxda Barcelona marka uu dhamaado heshiiskiisa haatan dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu go’aansaday in uu tartan cusub raadiyo.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay kadib sanado badan, in uu Alba isaga tagi doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Alba ayaa kooxda Barcelona u ciyaaray 458 kulan taramada oo dhan tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray.
Jordi Alba ayaa kooxda kula guulaystay 18 koob oo ay ka mid yihiin champions League, La Liga iyo Club World Cup-ka.

Related



Source link