Muqdisho (soomaalinews.com) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan deegaan kamid ah gobolka Jubbad Dhexe ku qabsatay shirweyne wada-tashi oo looga hadlayay wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika.

Shirweynahan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday qaar kamid ah madaxda sare ee kooxda iyo Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, sida ay muujinayaan sawiro iyo muuqaalo ay baahisay warbaahinta kooxda.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa kasoo muuqan oo ka maqna Mahad Karataay iyo madax kale oo kamid ah hoggaanka kooxda Al-Shabaab, taasi oo keentay in dad badan isweydiiyaan sababta ka dambeysa inay kasoo muuqan waayan shirweyne intaas le’eg oo ay qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa imaneysa xilli muddooyinkii dambe la hadal hayay inuu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay hoggaanka sare ee kooxda, una kala jabeen laba garab oo kala taageersan Mahad Karataay iyo Abu Cubeyda.

Haddaba, Maxaya tahay sababta ay Mahad Karataay iyo hoggaamiyeyaashii kale ee wajigooda la yaqaanay ay uga soo muuqan waayeen shirkaas?

Ibraahim Aadan oo aqoon dheer u leh kooxda Al-Shabaab iyo hoggaankeeda, haatanna la shaqeeyo dowladda ayaa waxa uu sheegay in shirka uu kasoo muuqday Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda oo ah mid aanay badanaa kasoo qayb-gelin madaxdooda sare.

Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in shirkan noocaas oo kale ah loo qabto kuwa gobollada, oday dhaqameedyo iyo culimada taabacsan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana aysan qasab ahayn in lagu arko madaxda kale.

Shirweynaha uu dhawaan kasoo muuqday Abu Cubeyda ayaa waxa uu Ibraahim ku sheegay mid sanad leh, kaasi oo ay kooxdu billowday kadib markii hoggaankoodii hore ee Axmed Godane uu baabi’iyay golaha shuurada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii hore ka koobnaan jirtay laba gole oo kala ah golaha shuurada iyo kan fulinta, kadibna uu baabi’iyay midkii shuurada Godane, oo ah hogaamiyiihi hore ee Al Shabaab, kaas oo la dilay sannadkii 2014-kii.

“Golihii shuurada waxaa beddalay shir sannadeed oo madaxda gobollada ay isugu yimaadaan oo Afhayeenka guud ee ururku ka soo qayb galo gabagabadana amiirka ururku uu kasoo qayb galo, warmurtiyeedna uu ka soo boxo,” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlay BBC.

Si kasta, Shirweynahan ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee kooxdu yeelato, ayna kooxdu sheegtay inuu ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe, inkasta oo aan la shaacin goobta uu sida gaar ah uga dhacay.





Source link