Saacadihii ugu dambeeyay waxa si weyn loo hadal hayaa mustaqbalka xiddiga Kylian Mbappe kaas oo uu shaki ku jiro iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan.
Real Madrid, Al-Hilal, Arsenal, Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo xiddiga reer France ee Mbappe.
Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya xagaaga dambe waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda taas oo PSG ku dhalisay in ay iska iibisl xiddiga.
Halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga dmabe, PSG ayaa suuqa dhigtay xiddiga reer France halkii ay lacag la’aan ku waayi lahayd.
Liverpool ayaa muddo xiiso dhab ah u qbatay saxiixa xiddiga Mbappe waxana ay xiisohooda haatan ka dhabayn karaan xagaagan hadii ay ka tagaan xiddigaha Jordan Henderson & Fabinho.
Jordan Henderson & Fabinho ayaa ku dhaw in ay ku biiraan horyaalka sucuudiga iyaga oo lala kala xidhiidhinayo kooxaha Al-Ettifaq iyo Al-Ittihad.
Hadii ay labada xiddig ka tagaan Reds xagaagan waxa ay la macno tahay in ay kaydsanayso wax ka badna 900 kun oo Gini mushaharka kooxda.
Sidaas darteed lacagtaas ayaa ka caawin karta Liverpool in ay baanka u jabiso xiddiga Mbappe oo uu Klopp taageere weyn u yahay.
Sii Akhriso: XASAASI: Hay’adda Caafimaad Oo Joojisay Adeegyadii Caafimaad Ee Ay Ka Wadeen Lasacaanood, Sabab.
Related