Jamie Carragher ayaa qiimeeyay fursadaha kooxda Liverpool ee horyaalka kadib markii ay kooxda Liverpool guul soo laabasho leh ka gaadhay Newcastle.
Reds ayaa 10 xiddig ku dhamaystay inta badan ee ciyaarta kadib markii Virgil Van Dijk laga saaray ciyaarta.
Laakiin Kooxda klopp ayaa 2/1 kaga badisay Newcastle kuwaas oo inta badan maamulayay ciyaarta.
Natiijada ayaa la macno ah in Liverpool ay bilaa guuldaro tahay xilli ciyaareedkan kadib markii ay laba kulan badiyeen mid kalena bar-baro galeen.
Daaficii hore ee Liverpool Carragher ayaa wax laga waydiiyay fursadaha horyaalka ee Liverpool kadib guushii ay ka gaadheen Newcastle wuxuuna dareensan yahay in kooxdiisii ​​hore ay qasab ku tahay in ay keensato daafac cusub iyo khadka dhexe ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.
Carragher ayaa yidhi: ‘Liverpool waxa ay ahayd kooxda ugu wayn ee ay xafiiltamaan Manchester City afartii ama shantii sano ee la soo dhaafay, Arsenal tartanka ku soo biirtay xilli ciyaareedkii hore, laakiin maxay Liverpool u noqon wayday kooxdaas xilli ciyaareedkan”.
Kooxda ay Liverpool haatan haysato kuma filna inay kula tartanto Man City horyaalka Laakiin waa in ay kooxda keento daafac dhexe iyo xiddig khadka dhexe ah”.
“Taasi waa inay dhacdaa sababtoo ah Liverpool waxay weli noqon kartaa kooxda ugu weyn Man City ku tartanto horyaalka”.

Related



Source link