Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fiorentina ee Sofyan Amrabat waxayna heystaan ’hubka qarsoon’ si ay ula soo wareegaan.
United ayaa ku raad joogtay xiddigan khadka dhexe tan iyo qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee uu u soo bandhigay koobkii adduunka kuna mutaystay in uu ka soo muuqdo kooxdii ugu fiicnayd tartanka.
Warbaahinta Spain ayaa Amrabat u aqoonsaday inuu yahay badalka Sergio Busquets ee Barcelona, Les Cules ayaana ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo inay isku dayayaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay majaladda Talyaaniga ee La Nazione, dhanka kale, United waxay heshiis shaqsi ah la gaartay Amrabat horaantii bishaan, ka hor inta aysan si rasmi ah u shaacin saxiixa Mason Mount.
Qiimaha Fiorentina ayaa lagu sheegay 30 milyan oo euro inkastoo kooxda Erik ten Hag aysan weli wax dalab ah ka gudbin saxiixa xiddiga.
Amrabat ayaa ka hoos ciyaaray Ten Hag markii ay wada joogeen kooxda reer Holland ee Utretcht iyada oo uu xiddigu xidhiidh fiican la leeyhaay tababaraha reer Holland taas oo Man United fursad ka siinaysa in ay ku guulaysato saxiixa xiddiga.
Sii Akhriso: HALIS: Ra’iisal Wasaaraja Itoobiya Oo Ku Hanjabay In Ay Xoog Ku Qabsan Doonaan Dekkedaha Somalida.
Related