Weeraryahanka Bayern Munich Harry Kane ayaa qiray in Manchester United ay ku jirto “waqti adag” laakiin wuxuu waxa uu u sheegay kooxdiisa inaysan dhayalsan Red Devils kulankooda furitaanka heerka group-yada Champions League Arbacada.
Kane ayaa ka mid ahaa bartilmaameed u ahaa kooxda Man United suuqii xagaaga ka hor intii uuna ku biirin kooxda Bayern Munich.
Xiddiga 30 jirka ah aya si wacan ku bilowday xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 4 gool kulamadii uu ilaa haatan u ciyaray kooxdiisa.
Dhinaca kale Man United ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda iyaga oo kaliya badiyay 2 kulan 5 kulan oo ay ciyaareen halka laga badiyay 3-da kale.
Si kasta ha ahaatee Kane ayaa kooxdiisa Bayern uga digay in ay dhayalsadaan kooxda Man United inkasta oo ay ku jirto qaab ciyaareed liita.
“Waxan filayaa kulan adag”ayuu kabtanka Englan yidhi.
“Waxn garanayaa man United, waxa ay ku jiraan xaalad adag wakhti xaadirkan laakiin marar qaar kooxuhu waa halis sababta oo ah mar walba waxa ay doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha”.
“Waan in aan u diyaar garawno, waxana aan doonayaa in ay taageerayaashu na garab istaagaan”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link