Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa saadaaliyay xiddiga ku guulaysan doona gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Haaland ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu si fudud ugu guulaystay gool dhalinta horyaalka Premier Legaue.
Xiddiga kooxda Man City ayaa dhaliyay 36 gool 35 kulan oo uu ciyaaray premier Legaue xili ciyaareedkii hore.
Xiddigii hore ee xulka qaranka England ayaa kabtanka Tottenham ee Harry Kane u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
“Waxan Harry Kane u saadaalinayaa ku guulaysiga Gool dhalinta, premier Legaue”ayuu Merson yidhi.
“Haaland waxa uu joojiyay dhalinta goolasha dhamaadkii xilli ciyaareedka, waxa aan qabaa in ay kooxuhu soo fahmayaan sida loo joojinayo”.
“Rikoodhka kane waa mid cajiib ah waxa uu dhaliyay 30 gool xilli ciyaareedkii hore isaga oo aan dhalin 4 gool kulan kaliya”

Related



Source link