Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa kulan fool ka fool ah la qaatay kabtanka West Ham Declan Rice si uu ugu qanciyo inuu diido u dhaqaaqista Arsenal.
Xiddiga reer England ayaa dagaal dhex-dhigay kooxaha Arsenal Iyo Man City kuwaas oo ku dagaalamaya saxiixiisa.
West Ham ayaa labada kooxoodba ka diiday dalabyo ay ku doonayaan xiddiga iyaga oo dalbanaya lacag dhan 100 milyan oo euro.
Lacagtaas ayaa ah mid ka badan dalbyada ay gudbiyeen labada kooxood waxana la filayaa in ay labada kooxood sii wadaan dagaala.
Sida laga soo xigtay wargayska Guardian, Guardiola ayaa si shaqsi ah ula kulmay xiddiga dhamaadkii xilli ciyaareedka si uu ugu qanciyo in uu ku biiro City.
City ayaa leh awood dhaqaale oo ka fiican Arsenal laakiin go’aanka xiddiga ayaa noqon doona midka ugu muhiimsan isla markaas go’aamin doona halka uu ku biiri doono.
Related