Pep Guardiola ayaa qirtay inuusan garanayn haddii Kevin De Bruyne iyo Jack Grealish ay taam u noqon doonaan finalka FA Cupka ee usbuuca soo socda.
Labada weerar ee Manchester City, iyo daafaca Ruben Dias, ayaa dhaawac ku seegay guuldaradii 1-0 ee maalintii ugu dambeysay ee Brentford.
Man City ayaa todobaadka dambe wajihi doonta Man United kulanka final-ka FA Cup-ka ka dhici doona garoonka Wembley.
Guardiola ayaa haatan wal-wal ka muujiyay kulanka Final-ka waxana uu sheegay in ay 5 xiddig oo kooxdiisa ah seegi karaan kulanka Final-ka FA Cup-ka.
Tababare Guardiola oo ka hadlay xiddigihii seegay kulankii Brentford ayaa yidhi”xiddigihii seegay kulanka waxa ay ahaayeen kuwo daalan sidaas darteed wan nasinay”.
Markii la waydiiyay in ciyaartoyda seegay ay taam u noqon doonaan Wembley, Guardiola ayaa yidhi:”Ma garanayo hadda. Waxaan rajeynayaa”.
“Waxaan heysanaa afar ama shan ciyaaryahan oo qaba dhaawacyo laakiin waynu eegi doonaa sida ay wax noqdaan”.

Related



Source link