Xiddiga khada dhexe ee kooxda Arsenal Granit Xhaka ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa isaga oo u muuqda mid xaqiijiyay wakhtiga uu ka tagayo Arsenal.
Xiddiga Xhaka ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Bayer Leverkusen kuwaas oo doonaya in ay dib ugu soo celiyaan kooxdooda.
“Haddii isbuuca soo socda aan wax badan ka ogaan doonaa mustaqbalkauga”ayuu u sheegay Standard.
“waxaan u mahadcelin doonaa taageerayaasha sababtoo ah sida ay iila dhaqmeen kadib wixii dhacay, ma aanan fileyn taas”, ayuu sii raaciyay.
Saxafiga Fabrizio Romano Ayaa sheegay in ay kooxda Bayer Leverkusen ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xddiga khadka dhexe.
Arsenal ayaa ku iibin doonta Xhaka 15 milyan oo euro iyada oo Leverkusen ka saxiixanayso heshiis 4 sano ah.

Related



Source link