Laascaanood (soomaalinews.com) – Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif oo booqday magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Wasiir Jaamac ayaa si weyn u dhaliilay Somaliland, wuxuuna ku eedeeyay inay xasuuq ba’an ka geysatay gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magaalada la burburiyay, gaar ahaan guryo, goobo ganacsi, kuwo caafimaad iyo masaajidada, kadib duqeymo lagu garaacay magaaladaasi.

“Tagitaankii aan ku tegay Laascaanood iyo dhammaan magaalooyinka ku hareereysan guud ahaan waxaan kusoo arkay dhibaatooyin daahsan oo ka dhashay dagaalkii inta badan ka socday meelahaasi” ayuu yiri wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dagaalkan uu ka duwan yahay, kana dhib badan yahay dagaalladii horay uga dhacay waddanka, wuxuuna ku baaqay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo colaadaasi, laguna garab istaagayo reer Laascaanood.

“Kani waxaa weeye dagaal ka duwan kuwii horay uga dhacay dalka, kana dhib badan shacab Soomaaliyeedna lagu xasuuqay arrintaasina waxay u baahan tahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah.” ayuu mar kale wareysi laga qaaday ku yiri Wasiir Jaamac Xasan.

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada oo hadalkiisa sii wata ayaa dagaalka ay waddo Somaliland ku sifeeyay mid ay uga soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu raji xumo ka muujiyay guuleysiga in wada-hadal lagu dhameeyo colaadda Laascaanood oo dhowr bilood ka taagan gudaha magaaladaasi.

“Waa dagaal ku jiheysan midnimada qaranka, waan qabaa in wadahadalka la raadiyo, laakiin dadka la leynayo kama imaan karto,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.





Source link