Galcad (soomaalinews.com) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay agagaarka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, kaas oo lagu warramayo in lala eegtay Gaari Dameer ay la socdeen carruur yaryar.

Qaraxa oo jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa la sheegay inuu haleelay Gaari Dameer ay la socdeen laba carruur ah oo la sheegay inay goobta ku geeriyoodeen, ,kadib markii ay la kacday miinadu, xilli ay ku socdaaleen mid kamid ah waddooyinka soo gala Galcad.

Wariye Cali Cilmi Salaad oo kamid ah howlwadeedanada Idaacadda Kulmiye oo ku sugan halkaas ayaa sharraxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen iyo geerida carruurta.

“Saacado ka hor ayaa miino lagu aasay waddada ay haleeshay Gaari Dameer ay saarnaayeen carruur, khasaare ayaana ka dhashay, waxaa ku dhintay laba carruur ah,” ayuu yiri Wariye Cali Cilmi Salaad oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinayay qaraxaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qaraxyada nooca miinooyinka ah ay maalmihii lasoo dhaafay ay ku soo badanayeen duleedka Galcad, isla-markaana khasaaraha ugu badan uu soo gaarayay dadka shacabka ah ee ku socdaala waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala.

“Maalmo ka hor Ceeldheer waxaa miino ay haleeshay xoolo ay lahaayeen dad shacab ah, halkaasna waxaa ku dhintay xoolihii,” ayuu sii raaciyay Wariye Cali Cilmi Salaad.

Inta badan waxa uu tilmaamay in weeraradan ay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, isla-markaan bartilmaameedkeeda uu yahay ciidamada huwanta ee ku sugan magaaladaasi.

“Meesha ugu badan ee miinooyinka lagu aaso waa waddooyinka gala magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka intooda badan ay ku socdaalaan, marka ay magaalada soo galayaan ama ay ka baxayaan” ayuu markale yiri.

Galgaduud oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda.





Source link