Fiorentina ayaa soo galisay qodob ka dhigan in Amrabat qandaraaskiisu uu si toos ah u kordhin doono hal sano haddii ay United doorato in ayna si toos ah ula wareegin xiddiga khadka dhexe marka uu dhamaado heshiiskiisa amaahda ah.
Man United ayaa xiddiga kula wareegtay heshiis amaah ah oo ay dookh u haysato in ay si toos ah ula wareegto laakiin iibku ma ahan mid qasab ah, taas oo la macno ah in ayna United ku qasbanayn in ay soo iibsato xiddiga reer Morocco xagaaga dambe.
Xiddiga khadka dhexe ee Amrabat ayaa si aad ah u doonayay in uu si toos ah ugu wareego kooxda Man United si uu ula shaqeeyo Erik Ten Hag.
Amrabat ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxdiisa cusub sabab la xidhiidha in uu dhaawac ku maqan yahay markii uu ku soo biiray kooxda.
Ten Hag ayaa rajaynaya in uu xiddiga reer Morocco taam u noqdo kulamada kooxdu ciyaari doonto kadib fasaxa xulalka..
Related