Kooxda Man City ayaa si aad ah ugu dhawayd saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol.
Laakiin Saxafiga ku takhasusay suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sabab u noqday in uu bur-buro heshiiska ay Man City ku doonaysay saxiixa xiddiga sida ay sheegayaan wararku.
Romano ayaa todobaadkii hore xaqiijiyay in ay kooxaha RB Leipzig iyo Man City ka heshiiyeen saxiixa xiddiga Josko Gvardiol isla markaas xiddiga reer Croatia maray qayb ka mid ah tijaabada caafimaadka Man City.
Inkasta oo ay RB Leipzig Man City kala heshiisay qiimaha xiddiga hadana waxa ay ku amartay in uu xiddigaha kooxdiisa u raaco isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ka hor inta uuna ku biirin Man City.
RB Leipzig ayaa isku dayaysay in ay si deg-deg ah u dhamaystirto heshiiska isla markaas si qarsoodi ah loo wado ilaa inta laga dhamaystirayo heshiiska si ayna kooxaha kale u ogaan qiimaha ay Ku iibisay daafaca si aan loogu qaaliyayn daafaca ay ku badalayso Josko Gvardiol marka la maqlo qiimaha ay ku iibisay daafaca.
Laakiin Fabrizio Romano ayaa Kashifay heshiiska oo dhan waxaan uu ka yaabiyay maamulka kooxda RB Leipzig.
Sida laga soo xigtay Sky germany, RB Leipzig ayaa haatan ka baxday heshiiskii ay Man City horay ugala gaadhay xiddiga waxana ay dalbanayaan lacag ka badan intii hore.
Sii Akhriso: Maamul Goboleedka Puntland Oo Eed Culus U Soo Jeedisay Madaxweynayaasha Muuse Biixi & Xassan Sheekh.

Related



Source link