Ruun-nirgood (soomaalinews.com) – Faah-faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka waaberigii hore ka dgacay deegaanka Daaru-Nicma ee hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhinac ah iyo dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Mana jiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarka Al-Shabaab iyo khasaaraha dagaalkii xigay weerarkaasi oo arroornimadii saaka ka dhacay deegaanka Daaru-Nicma.

Hase yeeshe, kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul weyn ka sheegatay weerarkaasi, ayada oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta Daaru-Nicma, islamarkaana ay cagta marisay saldhigyadii ciidamada dowladda ay halkaasi ku lahaayeen. Sheegashadan weli si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastab, Deegaanka Daaru-Nicma ayaa kamid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay kala wareegeen kooxda, oo ku dhawaad toban sano ka talineysay halkaasi.





Source link