Weeraryahanka reer Norway Erling Haaland ayaa xaqiijiyay inuu muddo dheer ku riyoonayay inuu ku guuleysto Champions League.
Haaland waxa uu heli doonaa fursad uu ku rumeeyo riyadiisa marka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Inter Milan finalka tartanka sabtida.
Haaland oo la hadlaya wargayska AS ayaa yidhi””Intee in le’eg ayaan ku riyoonayay koobka Champions League? Waxay ii ahayd riyadeyda muddo dheer.”
Waxa uu sii raaciyay: “Goorma ayaan bilaabay in aan ka fikiro suurtagalnimada xaqiijinta riyada? Waxaan u malaynayaa 2008, ciyaartii Chelsea iyo Manchester United, markii aan arkay dabaaldegyada, waxaan doonayay inaan qayb ka noqdo wax la mid ah, waanan ku dhawahay riyadaas in aan gaadho”.
Haaland wuxuu raaciyay: “Waxaan maqli jiray heesta Champions League markii aan joogay Salzburg, waana jeclahay tartankan, heestuna sidoo kale waa cajiib”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Hal kulan ayaa hadhay, waana in aan u ciyaaro heerkayga ugu fiican, waxa aan badinay kulamo badan oo xidhiidh ah waxana aan doonaynaa in aan sii wadno arintaas”.

Related



Source link