Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa in uu aad uga cadhooday hanaanka gaabiska ah iibka kooxda Man United taas oo caqabad ku ah fursadaha uu ku heli karo saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice.
Xiddiga reer England ayaa loo ogolaan doonaa in uu ka tago kooxda ku guulaystay Europa Conference League inta lagu jiro suuqa xagaagan xilli uu galayo sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.
Man United ayaa aad loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo uu Ten Hag doonayo in uu keeno Old Trafford.
Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga xilli ayna Man United wali wax tallaabo ah u qaadin sabab la xidhiidha iibka Man United.
Erik Ten Hag ayaa si weyn uga niyad jabsan in iibka kooxdu uu dib u dhigayo qorshihiisa suuqa kala iibsiga kana cabsi qabo in uu Rice u waayo Arsenal.
Related