Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay Tottenham kulankii 2-aad ee xilli ciyaareedka premier League.
Man United ayaa lagu garaacay 2/0 kulan ka tirsanaa premier League iyada oo dusha loo saaray guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka.
Kadib ciyaarta durba taageerayaasha Man United ayaa ka soo hor jeestay tababare Erik Ten Hag iyaga oo dalbanaya in laga caydhiyo shaqada kooxda.
Man United ayaa suuqa galisay lacag aad u badan tan ilaa markii uu Ten Hag yimid kooxda laakiin Red Devils ayaa wali ku dhibaatoonaysa in ay badiso kulamada waaweyn.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Man United ayaa doonaya in shaqada laga caydhiyo tababare Ten Hag kadib natiijadii xumayd ee ay kala kulmeen Tottenham.

Related



Source link