Halyeeyga Kooxda Man United ee Dimitar Berbatov ayaa iska indha-tiray kooxaha Man City iyo Arsenal isaga oo sheegay in ay Man United ama chelsea midkood ku guulaysan doono horyaalka premier League.
Man City ayaa isku dayi doonta in ay markii 4-aad oo xidhiidh ah ku guulaysato horyaalka premier League laakiin Dimitar Berbatov ayaa rumaysan in awooda Man City soo dhamaan doonto xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa ku dhawaatay ku guulaysiga premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2004 laakiin Dimitar Berbatov ayaa sidoo kale ka shaki qaba awooda Arsenal ee fursadooda ku guulaysiga.
Dimitar Berbatov ayaa filaya in ay Man United samayso horumar waxana uu u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka halka uu sidoo kale chelsea u saadaaliyay ku guulaysiga.
“Waxan rajaynayaa in ay Man United ku soo laabato halkii ay joogeen, kaalinta 1-aad ee premier League”ayuu Dimitar Berbatov yidhi.
“Man City ayaa ugu cad-cad mar kale laakiin waxa aan filayaa in ayna ku guulaysan doonin sababta oo ah ma jirto koox 4 jeer oo xidhiidh ah ku guulaysata pemier League”.
“Chelsea waxa ay noqon doontaa lama filaanka xilli ciyaareedka waxana ay u tartami doonaan ku guulaysiga horyaalka kadib markii uu Pochettino yidhi.

Related



Source link